Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin British ah oo maxkamad lagu soo taagey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday nin cadaan ah oo u dhashay waddanka Ingiriiska.

Ninkan oo lagu magacaabo Thomas Anthony Cox ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan.

Mr Cox oo 48-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu khal-khalgelinaya ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Shaqsigan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu garoonka la galay aalado qarxa isaga oo aanan kusoo war-gelin laamaha amniga.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiskan, dibna laga soo sheegayo goorta dhagageysiga.

Sikastaba ha ahaatee, 19-kii Junaayo ayay ahayd markii Cox la qabtay markii boorsadiisa laga helay sunta dadka ka ilmeysiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this