Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday dhaqameed caan ah oo lagu toogtay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Dabley ayaa oday dhaqameed caan ka ahaa degaanadda Jubbaland ku dishay caawa magaaladda Kismaayo, xarunta maamulkaasi.

Suldaan Cabdirashiid Suldan Muuse Shire ayaa waxaa khaarijiyey kooxo hubeysan isaga oo kasoo baxay Masaajid, Salaadii Maqrib.

Marxuumka ayaa goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse waxaa lasoo wariyay in uu dhintay markii Isbitaalka la dhigay.

Dhanka kale, qof kale oo shacab ahaa kaasi oo kusoo baxay dilka marxuumka ayaa la sheegayaa in ay dishay dableyda.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo kusoo aadaya iyadda ay doorasho kusoo fool leedahay maamul goboleedkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this