Deeq A. Posted July 31, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah musharaxiinta maamulka Jubbaland ayaa ka cabsi ka qaba in dagaallo sokeeye ay ka bilaawdaaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose oo ay ka socoto diyaar garowga doorasho ee maamulkaasi. Musharaxiintaan ayaa qaarkood ku dhiiran waayay in ay tagaan Kismaayo halka qaar kalane sheegeen in ay dareemayan cabsi gelin iyo hanjabaad joogto ah oo uga imaanaya masuuliyiin ka tirsan Jubbaland. Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay lugaha la sii galayso dagaalo Sokeeye maadaama aysan jirin doorasho xor ah oo degaankaas ka socoto. “Haddii aysan wax iska badalin aragtida Axmed Madoobe iyo sida ay wax ku socdaan waxaa xaqiiqo in dagaalo Sokeeye ay marti gelin doonto Kismaayo” ayuu yiri Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubbaland. Musharaxiinta isbadal doonka ee Jubbaland ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan arimaha ka taagan Jubbaland ee dhanka doorashada. Xulista Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay bilaabato maalin kadib waxaana aad looga walaacsan yahay in Xildhibaanada la soo xulaya ay noqdaan dhalinyaro hadaba katirsan Maamulka oo daacad u ah Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites