Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Bukhaari oo ballan-qaad u sameeyay Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa sheegay in Aqalka sare ay Golaha wakiilada Puntland kala shaqeyn doonaan is-waafajinta Shuruucda heer Federaal iyo heer Puntland.

Mudane Bukhaari ayaa Golaha Wakiilada Puntland ku tilmaamay kuwa hormuud u ah dhammaan heerarka kala duwan ee Xeer-dejinta dalka waxaana uu bogaadiyay kaalinta Baarlamankii kala duwanaa ee Puntland soo maray ay ka soo qaateen hirgelinta Shuruucda iyo Nidaamka Puntland.

Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah wuxuuna idinkala shaqeyn doonaa arrimaha Xeer-dejinta iyo is waafajinta Shuruucda labada heer” ayuu Yiri mudane Bukhaari.

Halkaan hoose ka daawo

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Bukhaari oo ballan-qaad u sameeyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this