Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ahlu-Sunna oo ogolaatay qodob ay aad isugu hayeen Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna ayaa dib isugu soo dhowaaday kadib markii kooxdan ay ka tanaasushay mid ka mid ah qodobo ay isku qabteen ra’iisul wasaaraha.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareeydo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha, Ahlu-Sunna ayaa ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagay Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen.

Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay cadaadis kala kulmeen ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Ceyr ee uu ka dhashay hoggaamiyaha kooxdan, Macallin Maxamuud.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Ahlu-Sunna weyso waxyaabo badan oo dowladda ay u ogolaatay, kadib markii ra’iisul wasaaraha uu ku hanjaby inuu tagayo Cadaado, halkaasna ku qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

Beesha Cadaado ayaa horey uga carrootay in Dhuusomareeb la isugu daro in shirka lagu qabto islamarkaana ay noqoto caasimadda Galmudug.

Ciidamada federaalka ka socda ee booliska ah, ayaa la filayaa inay berri ama berri dambe u baxaan magaalada Dhuusomareeb, ayaga oo ka tagaya Muqdisho, sida aan xogta ku helnay.

Si kastaba, waxaa jira weli qodobo kale oo ay isku hayaan Kheyre iyo Ahlu-Sunna, sida 35 xildhibaan oo ka mid ah baarlamanka Galmudug oo kooxdan ay dooneyso in ay ayada maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this