Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo QM u gudbineysa qorshe ay DF u aragto in lagu beegsan karo Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Macharia Kamau ayaa shaaciyey in dowladdiisu ay waddo qorshe ay Qaramada Midoobay ku waydiisaneyso in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay u aqoonsato koox argagixiso ah, taasi oo ah arrin ay diidan tahay dowladda Soomaaliya

Kamau ayaa xusay in warqad ay u diri doonaan golaha ammaanka ayna ka dalban doonaan in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada. Ujeedada laga leeyahay arrintan ayuu ku sheegay in caalamka loogu soo jeediyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan diri doonaa codsi, iyadoo la raadinayo taageerada dalalka caalamka ee ku u aadan qorshaha Al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada.” ayuu yiri Macharia Kamau.

Ugu dambeyn xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa carabka ku dhuftay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono golaha ammaanka, kaas oo haddii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab.

Arrinta ururka Al-Shabaab iyo in lagu daro liiska argagixisada ayaa ah arrin siyaasadeed oo ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan in Al-Shabaab lagu daro liiska QM ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay Kenya iyo dalalka kale uga faa’iideysan karaan inay ku beegsadaan shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaaliyeed.

Waxa ay si gaar ah uga cabsi qabtaa in Kenya ay arrintan kula wareegi karto hantida Soomaaliyeed ee taalla dalkaas, ayada oo qofkii ay doontaba inay beegsato si fudud ula xiriirin karta Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this