Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaab ku Socota Nika Maagay Gudoomye ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Jawaab ku Socota Nika Maagay Gudoomye ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland

Wakhti xaadirkan dowlada Somaliland waxay qorshaynaysaa in doorasho baarlamaan dhacdo sanadkan 20019 dabayaaqadiisa taasi oo sida qorshuhu yahay la rabo in lagu bedelo golaha wakiilada hada oo wakhtigooda dhaafay iyagoo kursiga ku fadhiyay tan iyo ilaa sanadkii 2005kii..

Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waa gole ka tirsan Golaha sare ee Jamhuuriyada Somaliland. Wuxuuse noqday fadhiid iyo retire ama hawl gab.

Hadaba hadaan dib ugu noqdo dulucda maqaalkayga oo jawaab u ah nin lagu magacaabo Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse oo ku qoray maqaal website yada qaar sida Qarannews kaas oo uu ugu magic daray “JAWAAB HADAL KA SOO YEEDHAY GUDDOOMIYEY KU XIGEENKA KOOWAAD EE GOLAHA WAKIILADA JSL” Tixraac maqaalkiisa https://qarannews.com/jawaab-hadalka-ka-soo-yeedhay-guddoomiye-ku-xigeenka-koowaad-ee-golaha-wakiilada-somaliland

Waxaan ku bilaabayaa oo aan u sheegayaa saaxibkayga qoraalka kor ku qoran soo qoray ee ka madhan xaqiiqda (fact-check) Dadkan iyo dalkan Somaliland wuxuu u baahanyahay cadaalad waayo “rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac’ adise cadaalad lagaa sugi maayo oo sidaan arkaad u hadlasaa inta ay joogaan rag badan oo aan maanka ku hayana intay joogaan loo warwari maayo oo waa la sixi doonaa insha alaah waxa la isu hayo ee Samiqaybsigu u horeeyo.

Haddaan ku soo noqdo Saami qaybsiga Somaliland nikii wax uuna lahayn haystaana waa laga Sooridi kii wax siyaada ah doonayana loogu dari maayo. waase In la wajahaa xaqiiqda dhabta ah taas oo ah dib danbe tiradii hore loogu gali maayo baarlamaanka Somalilan. waa baabacada oo tima kasoo baxaan waana ta dhabta ee biyo kama dhibcaanka ah. Haddii sadex xisbi oo ilmaadeer ah heshiyaana maaha mushkiladu waa dhamaatay Somaliland .Adeer Bari iyo Galbeed baa maqan ilaa waxa jira la dhamaynayana aqoonsiga Somaliland ha sugin bal waxaa kasoo horayn doona Dijaal Cawar Oo Soo baxa. Labaa isku xidhan oo is dul yaala cadaalad wax lagu qaybsado oo aqoonsi horseeda iyo in aad waligaa sugtid aqoonsi taas oo Suurta lagugu afuufo adoo sugaya, labadaa mid ha doortaan Shacabka Somalland.

Waxaan Saaxiibkay Sabayse iyo inta maaqaalkiisa kor ku xusan aaminsan ee la dhacsan araar uga dhigayaa Gabaygan

Laaqsi gabay Sabaystoow adaan, layli ku ahaannin,

Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynnin

Oo weli la liicliicayaad, rag isku laashaaye

Lur baad kororsataa iyo inaad, dacarta leeftaaye.

Adigoo aan laaqin u ahayn, kaygu waa lacage

Waa laba-khasaar inaan murtida, kuu lisaa adiye,

Hayeeshee sidii wax iga lumay, an ugu luuqeeyo.

Leyliga lixaad lihi haween waa, luggoyn jiraye
Haddii aan raggii loodinayn, dumar ma liicshaane

Leeleesho gaaladu haddaanay, kugu lammaanaannin
Adba ilama aad loollanteen, oo Lillaahiya’e
Libna iga Wallaad haysateen, Ledana maasheene.

Jar inaad ka laallaadid oo, lulato mooyaane

Lugba meel bannaan ma aad dhigteen, waana loo marage

Loo marage waxay kuu ahayd, laba dharaaroode

Gob liciifta waa la arki jiray, gunise waa liide
Layaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarehe laadaaye.

Inkastoo la jaro geed haddaan, xididka loo siibin
Goortuu biyaha laasimo buu, laamo bixiyaaye,
Lugi faras ma gaadhiyo rakuub, tiirshey luquntiiye
Laacii ka baxa meel fog waa, lagu hayaamaaye,
Haddii aanu kaa lumin caqligu, waad i laab garane.

Awal baan laguug badan ahaa, oo is wada leege,
Haddii anigu aan liito oo, yarehe laadlaado
Meeshan iyo saylac baa tolkay, ladani yaallaaye.

Liisaanka kaa yimid hadday, laydhu kor u qaaddo
Ay laliso wuxuu gaarayaa, qoon libaaxyo ahe
Mar haddii Suldaankii labaad?(Wabar) soo lallabo weerar
Sidii laxam baruur iyo hilbaha, loo karshaad noqone,
Adaan lumin mar keliya baan sidii, aarka kuu liqiye.

Hadaan Soo gunaanado jawaabta Saami qaybsiga waa mid mudo Soo jirtay In ay dhamaatana qofwalba uu jecelyahay , Mushaakilka kale ee jiraa waxaa uu yahay dhinaca tirada oo lagu saleeyey wakhtigii ka horeyey 1960 kii ee baarlamaankii ugu horeyey ee Ingiriiskue u miisay Qabiilada qaar inta kalana hadhuudhlaha ku dara. kuwaas oo isagu olog dhaw la ahaa gumaystaha ingriiska sideedana nikii Mustacbarks la shaqeeya uunbaa taladana loo dhiibah markuu tagay suurta gal ma aaha In tiradii 1960 Kuraasta oo 2.5 lagu dhiftay wax lagu qaybsado markaa indhaha fur Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse In Beelaha Somaliland kaa yeelaan iyadoo lagu Jiro 2019 wax la mulmulaaqay farqiga u dhaxeeya waad garanasaa hadaan la is yeelyeelayn.

Markii dawladii Siyaad bare dhacday 5 gobal ayay ka koobnayd Somaliland taas Ayana moo made an ama ina kala xukumasa taas oo aad ogtahay sida loo kala dego qoraaga Sabayse ha ku noqdo bal inta qabiilada dhaxe ku yeelanaso gobalada dalka.

Togdheer dagmaa kaa go’asa oo waa Buhoodle

Sadex dagmo ayaad Togdheer ku leedahay waa Togdheer,Oodwayne.iyo Sheekh : Qabiilada dhaxe Majority ka tahay Gobalka Waqooyi Galbeed waa 3 degmo

Hargaysa ,Berbera , =Qabiilada dhaxe majority baa ka ah

Gabilay waa half and half waxaa dega Jibriil Abokor,Baha Awdal Clan,Akisho,Madigaan,Tumaal,reer Muuse dhariyo,Iyo Daarjire ,Iyo Gurgure waa mix tribes.

Gobolka Sanaag: Ceerigaabo : mix Tribal, Laas-qoray=Warsan Gali Majority ,Ceel-afwen= Qabiilada dhaxe Badhan:War Sangali Sanaag 2 degmo ayaa Isaaq leeyahay halkaa laba degmo ayaa kaa go’ay waxaad labadaa degmo ku buuxisaa oo aad ku badalataa labada degmo ee aad ku waydayday togdheer iyo Waqoyi galbeed ee ah Buhoodle iyo Gabilay mid kale oo eexana Adan kuugu daree Caynabana ku darso tixrac waxaa degmada gabilay ugu jira barlamaanka 3 qof laba qabiilada dhaxe ah iyo Nika Caligabilay oo Samaroona.

Hadaba hadaan dib ugu noqono doorashadii 2005 ee inoogu danbaysay doorashaba.Waxaad shaxdan hoose ka arkaysaa sida loo vooteeyay nin ayaa 1000 qof ku fadhiya Baarlamaanka Somaliland, nina 10,000 Ayuu kusoo baxay ma cadaaladbaa waar ina tiriya oo nin waliba ha keeno wuxuu isla hayo. Tixraac inta codaysay guji halkan http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=238847

Hadaba Abti dood adag keen waan usoo dhintay kaa socon maayso ilayn adaa dadkaaga u dhintaye. “Bahashan Somaliland ee degta lagu Sita a dhiga was halkii Cali Khaliif Galaydhe” ha igu sasaban waan Soo baa,bay. Waxaan loo baabina lama helo.

Shan qodaba waan ogalahay mid uun Soo gala inta doodayda Karoo horjeeda

1: In gobal ku qaybsano 2 adaa leh 3 gobalna darifyadaa leh

2: Tirakoob sax ah,inta aad heshid waan ogolahay laakiin ana ku tirin maayo adna I tirin maysid qof ina tiraya oo ion dhaxeeya waa In la helo qolo qolo tirinasaa ma jirto.

3: In aan Degmo wax ku qaybsano inta aad degmo aad leedahay soo tirso waa degmooyinkii ka horeeyay 1991 waana waxaad ku heshaa

4: Qabaa’il In aan ku qaybsano,waa 6 qabiil iyo 7 yaryar. Qabiilada oo kala ah Isaaq,Warsan Gali,

,Sool clan,Awdal Clan ama Gadabuursi, iyo Ciise iyo 7 kale waa jiraane ku dar hadaad laashin tahay Sabayse

5: In aan degmooyinkii ingriisku inooga tagay intii ka hareeyey 1960 ku qaybsano waxay ka koobnaayeen todabo dagmo ama district kuwaas oo kala ahaa Ceerigaabo ,Burco Laas Caanood,Berbera Hargaysa,Boorama iyo Saylac Intaad leedahay waad taqaan Sabayse iyo inta filirkaygan kasoo horjeeda.

Haddalkayga waxaan Kusoo gunaanadayaa. Wax siyaado ah dib loogama tagayo haduu caashaqa Somaliland dhab kaa yahay waa la eegi haddii kale wax yar oo hayadaha aduunka qaadhaanka lagaga qaato uunba ku daynbayn doontaa , burbur iyo In lakala tago waa macaantahay nabaduye ogoow waxaan kusoo gunaanadayaa hadalkayga

Aarkuba haddii wiilal didi, laysu dabo joojo
Marka hore siduu deyrka jebin, ways dalliciyaaye
Dabadeed ninkuu dili naftay, kala dardaarmaane.
Haddii Daawad deyr loo dhigoo, baarqab lagu daayo
Uu dabar la soo dhaco midkay, kebaddu diifaysay,
Bal dayaay markuu doobta rido, waa durduriyaaye!

Khadar Tukale

khadar.tukale.san119@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this