Deeq A. Posted July 31, 2019 Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku waydiisaneyso Qaramada Midoobey in Al-Shabaab ay u aqoonsato koox argagaxiso ah. Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah sidii dareenka caalamka loogu soo jeedin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Mudane Macharia Kamau ayaa sheegay inay qoraal codsi ah u diri doonaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana oo ay waydiisanayaan in Xarakada Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada. “Waxaan diri doonaa codsi, iyadoo la raadinayo taageerada Imaaraadka Carabta ee ku aadan qorshaha Al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada.” ayuu yiri Kamau. Sidoo kale xoghayaha ayaa xusay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono golaha amaanka, kaas oo haddii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab. Kenya ayaa qeyb ka ah dalalka dagaalka kula jira Al-Shabaa, waxaana ciidamo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites