Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo QM u gudbineyso dalab ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku waydiisaneyso Qaramada Midoobey in Al-Shabaab ay u aqoonsato koox argagaxiso ah.

Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah sidii dareenka caalamka loogu soo jeedin lahaa  dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Mudane Macharia Kamau ayaa sheegay inay qoraal codsi ah u diri doonaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana oo ay waydiisanayaan in Xarakada Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada.

“Waxaan diri doonaa codsi, iyadoo la raadinayo taageerada Imaaraadka Carabta ee ku aadan qorshaha Al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada.” ayuu yiri Kamau.

Sidoo kale xoghayaha ayaa xusay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono golaha amaanka, kaas oo haddii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab.

Kenya ayaa qeyb ka ah dalalka dagaalka kula jira Al-Shabaa, waxaana ciidamo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this