Deeq A. Posted July 31, 2019 Kismaayo (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho Shabelle ayaa marka hore ka warbixiyey shir gaar ah oo madaxda maamulkaasi ay maanta ku yeesheen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankaasi diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu beeniyey in dhibaatooyin amni darro ay ka jiraan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaaladaasi. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin culus u diray Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Cabdi Baaley Xuseen ayaa tilmaamay in Musharraxii buuxin waaya shuruudaha doorashada ay ka tashan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen kaliya todoba Musharrax. Doorashada Jubbaland oo ololaheeda si weyn looga dareemayo Kismaayo ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socoto ee Augsut, balse waxaa weli jira caqabado iyo cabasho ay muujinayaan inta badan Musharraxiinta ku loolamaya doorashadaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoona shalay amniga Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites