Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin culus oo laga soo saaray in AMISOM loo adeegsado doorashada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xilli dhawaan la filayo inay Magalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Ciidamada AMISOM ee k  sugan Magaladaas looga digay in loo adeegsado ama ay farageliyaan doorashada Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ( Xasan Yare) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada,isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn.

“Doorashadu weerar ma ahan, Ciidamada AMISOM waxaa waajib ku ah in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, kana qaybqaataan sugidda Amniga, iyaga oo maraya shuruucda Midowga Afrika” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Waxa uu sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan,sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale,hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo kaliya ay ku Shaqeyn karaan amarka Hoggaanka Jubbaland, balse aan loo adeegsan waxyaabo kale oo la xiriira dhinaca Siyaasada.

Hadalka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaan la hadal haayay in Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah AMISOM eek u sugan Kismaayo ay faragelin ku sameynayaan doorashada Jubbaland si la mid ah dhacdooyinkii ka dhacay Magalada Baydhabo.

Doorashada Jubbaland ayuu sheegay in lagu kala baxayo sanduuqa, waxa musharixiinta usoo jeediyay in ay isku kalsoonaadaan, kuna qancaan Guddiga Doorashada iyo codadka Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this