Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Oo Kulan Is Barasho La Qaatay Xulka Qaranka Da’yarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa kulan dhiiri gelin iyo is barasho la qaatay xidigaha xulka 15-jirada ee dhawaan ka qeyb galaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka qabsoomaya Eretria.

68261242_2481526188796018_60097968980413
Guddoomiyaha dhallinyarada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamed ayaa sheegay in xulka da’yarta si wanaagsan loo diyaariyay iminka ay diyaar u yihiin in ay natiijooyin wanaagsan kasoo hooyaan tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019

Sequence-41.00_00_06_07.Still010.00_00_0

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xulka da’yarta kula dardaarmay in ay wanaajiyaan aqlaaqdooda wax ugu badan ay madaxda xiriirka ka hadlaan ay tahay horomarinta iyo garab istaagda da’yarta xulka si ay mustaqbalka loo helo dhallinyaro tayo wanaagsan oo guula ka keena tartamada dibada.

0T8A6994.MOV.13_36_35_19.Still001-1024x5

kabtan xulka 15-jirada Anas oo ku hadlay magaca ciyaartooyda ayaa u mahadceliyay madaxda xiriirka kubbadda cagta,isagoo sheegay in ay si wanaagsan ay ugu diyaarisanayihiin ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka dhacay dalka Eratraia.

0T8A6991.MOV.13_36_15_07.Still001-1024x5

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa waxaada dhallinyarada xiriirka ku amaanay in ay diyaariyeen ciyaartooy tayo iyo aqlaaq wanaagsan wuxuuna geesta kale sheegay in ay dhallinyarada ay yihiin ubaxa iyo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.

2-1-1024x576.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxda Xariirka Iyo Xulka Dhalinyarada

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this