Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Toogatay nin ku kacay fal naxdin leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka uu muteystay ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Nuurow, wuxuuna sheegay inuu fara xumeeyey illaa seddex carruur ah.

Sidoo kale Qaadiga ayaa intaasi ku daray in Nuurow ui maxkamadda ka hor qirtay in isagoo caafimaad qaba uu sameeyey falkaasi.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiyiin ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay falalka toogashada ah, waxaana 26-kii bishan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay nin Sixiroole ahaa.

 

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this