Sign in to follow this  
Deeq A.

Walwal xoogan oo soo wajahay Musharraxa xukuumadda Khayre ee Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Musharraxa Xukuumadda Xasan Cali Khayre ee doorashada Jubbaland, ahna wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar ) ayaa waxaa haatan soo wajahay walwal xoogan oo ku aadan ololihiisa doorashada, gaar ahaan sidii uu ka tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Oomaar ayaa shaaciyey sababtii uu uga baaqay safar uu dhowaan ku tagi lahaa Kismaayo  si uu ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa Jubbaland.

Waxa uu sababta ku sheegay inuu doonayo in uu ka baaqsado in dagaal  Dhiig ku daato uu ka dhaco halkaasi.

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayey inuu isoo qaado ma jiro.” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu tagayo Kismaayo ay ilaalin doonto ciida sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu dhowaan  ka biyo diiday madaxweyne Axmed Madoobe inuu ciidamo la tago gudaha magaaladaasi.

‘In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho, haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokowo.” ayuu markale yiri Oomaar.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in weli dadkii talada xumaa ay Ummadda waalayaan, islamarkaana ay dagaal ka hurinayaan Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay.

”Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland kama dhici doono. caqliga ha shaqeeyo” ayuu intaasi sii raaciyey.

Xiisada siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka sii dareysa, iyadoo la filayo in bisha soo socota ee August la qabto doorashada guud ee maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this