Deeq A. Posted July 31, 2019 Kismaayo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegay inuu horkacayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Wafdigani ka socda beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland iyo Musharraxiinta, iyaga oo kala hadli doono doorashada maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu argayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites