Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faragelinaya arrimaha doorashada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo faragelin ku sameyneyso arrimaha maamulka Jubbalanad ayaa xal u raadineysa muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.

Xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxa horkacaya safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada  Muqdisho Donald Yamamoto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin.

Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmo doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharraxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Musharraxiinta la loomeysa oo cabasho muujineyso ayaa isku haya doorashada.

Xaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib markii shalay lagu soo daadiyey ciidamo cusub oo ka amar qaata madaxweyne Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this