Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Aqbashay Ballaarinta Howsha Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururkaasi ku yeelanayo dalka, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

FB_IMG_1564540116943.jpg FB_IMG_1564540127520.jpg FB_IMG_1564540144374.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this