Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Netherlands oo dhinacyo kala duwan ka wada-hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
111-2.jpg?w=1000&ssl=1Kulanka wasiir Cawad iyo safiir Makken

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Soomaaliya, Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada.

Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Netherlands oo dhinacyo kala duwan ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this