Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo aqbashay baaqii ururka iskaashiga Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Soomaaliya ayaa kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1564540144374.jpgFB_IMG_1564540127520.jpgFB_IMG_1564540116943.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this