Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Korneyl Caare iyo SOMALILAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay halka ay marayaan Wada-hadalada u socda jabhadada uu hogaamiyo Kornayl Caare.

Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay inay meel fiican marayaan wada-hadalaasi kala dhaxeeya Jabhada.

Wasiir Cabdilaahi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Biixi markasta ka go’antahay inay nabad ku dhameyso tabashada Kornayl Caare.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Caare waa nin somalilander ah, inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaas sanadood wax kasta oo ina horyimaada in si nabadgalyo ah lagu dhamaystiro, xukuumadana go’aankeedu waa in hawshaasi ku dhamaato si nabad galyo ah waayo nin kasta oo dhinaciisa iyo dhinaceena ka dhimanayaaba waa dadkeenii”.

“Xilkuna waxa uu saaran yahay waa mas’uuliyiinta iyo dadkaas la doortay ilaahayna kala xisaabtamayaa markaa dawladu waxay ku dedaalaysaa in hawshaasi ay ku dhamaato nabad galyo”.

Si kastaba, Wada-hadaladan u socda xukuumada Biixi iyo Jabhada Kornayl Caare ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka badalin xiisada dagaal ee ka taagan deegaanada gobolka Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this