Deeq A. Posted July 30, 2019 Garowe (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku- xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare-BFS, Senataro iyo hoowlwadeeno ayaa gaaray magalaada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland. Wafdiga ayaa looga mahadceliyey in ay Garoowe u yimaadaan ka qeyb-galka munaasabadda 1-da August oo ah markii dhidibada loo taagay Puntland. Sanad-guuradan ayaa noqaneeysa tii 21aad. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmad ayaa Puntland ku ammaanay horumarrada ay gaartay iyo sida ay qeyb weyn uga tahay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites