Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Guddoomiyaha iyo xildhibaannada la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay Senetor Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka sare iyo sidoo kale guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale.

Sidoo kale waxaa Garoowe ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo xubno weheliya kaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland xalayna la kulmay madaxweyne Deni.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb-galka xiritaanka Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland iyo sidoo kale ka qeyb-galka munaasabadda ballaaran ee xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto 1998.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in mudada ay Garoowe joogan ay dowladda Puntland kala hadli doonaan arrima ku khuseeya xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn.

  • 1-65.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-61.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-60.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-56.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-52.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-51.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this