Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha beelaha Muqdisho oo shaaciyey tuhun ay ka qabaan qaraxii gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa war ka soo saaray qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxayna shaaca ka qaadeen inay jirana tuhunno iyo su’aalo badan oo u baahan in dowladda ay ka jawaabto.

Waxgaradkan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo inay si deg deg ah ku soo bandhigto baaritaanka dhacdadaasi.

Waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in la cadeeyo, sida uu ka dhacay weerarkaasi iyo cida fududeysay intaba.

Odayaasha ayaa xusay in xarunta dowladda hoose ay aheyd goob amnigeeda si weyn loo sugo, islamarkaana aysan suuragal aheyn in si fudud qarax lagu galiyo.

Sidoo kale wax ay tilmaameen in arrin lala yaabo ay tahay in weli Caasimada oo kala xiran la beegsanayo xarumihii dowladda, weeraraduna ay sii socdaan, iyadoo ciidamo badan ay ku sugan yihiin magaalada, howlgalladuna ay joogto yihiin.

Ugu dambeyn Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka inay la yimaadaan isbedal wax looga qabanayo nabad gelyada, sidoo kalena lagu yareynaya culeyska heysta shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Ammaanka degmooyinka Muqdisho ayaa maalmihii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen weeraro iyo qaraxyo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo codka odayaasha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this