Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad ay Al-Shabaab u qabaneysay ciidamo tababar dhameystay oo la weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ayaa shaaciyey in diyaaraddo dagaal ay laba duqeyn ka geysteen magaaladda Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose, koonfurta Soomaaliya, habeenimadii Isniinta.

Saraakiisha oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa tilmaamay in duqeynta koowaad lala beegsaday munaasabad ay Al-Shabaab tababar ugu soo xireysay dagaalameyaal cusub.

Xubnahaasi oo tiradooda aanan la cayimin ayaa waxaa la sheegay in loo qoray guutada xoogaag gacansaarka la leh Al-Qaacida u qaabilsanaa wadanka Kenya ee loo yaqaano Jaysh Ayman.

Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in weerarka labaad ee dhanka cirka uu ka badbaaday horjooge sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo aanan wali la xaqiijin magaciisa iyo jagada sare ee uu hayey.

Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha dhabta ah ee howlgaladaasi kasoo gaarey Al-Shabaab, wallow la tibaaxayo in ay jirto “dhimasho badan”.

Jubadda Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu kamid yahay degaanada ay ku xoogan tahay kooxdaasi, isla markaana ay ku tababarto xubnaha ka barbar-dagaalama.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysaa iyadda oo Jimcadii ay kulan ku yeesheen tuulada Buula Fulay ee gobolka Bay hogaamiyeyaasha Al-Shabaab, iyaga oo ka wada arrin-saday qodobo dhowr ah.

Xogo la helay ayaa tilmaamay in kulankooda uu daarnaa isbedel ay ku sameeyaan degaanada ay maamulan iyo waliba xeelad cusub oo ay qorsheynayaa in ay kusoo kordhiyaan howlgalada ay fulinayaan.

Mareykanka iyo Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya degaanada Jubooyinka, inkasta oo howlgalada culus aalaaba looga bartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Washington.

Xigasho: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this