Deeq A. Posted July 30, 2019 Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii ciidamo u badan kuwa Boolis ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay la wareegeen amniga magaaladaasi. Ciidamada ayaa isku fidiyey goobaha muhiimka ah ee ku yaala magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale arrintan qal-qal amni ku abuurtay Musharraxiinta ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay isaga tageen hallkaasi. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo weli xiisado siyaasadeed ay ka taagaan yihiin deegaanada maamulkaasi. Inta badan Musharaxriina ayaanan is diiwaan gelin, iyada oo uu dhamaaday waqtigii lagu daray. Musharraxinta ayana cabasho ka muujinaya guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu kaliya la shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa guud ahaan isha lagu hayaa doorashada Jubbaland iyo cida ku soo bixi doonta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites