Deeq A. Posted July 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Midowga Afrika ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay weerarkii askarta looga dilay dalka Burundi ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Muuse Faki Maxamed, gudoomiyaha ururkaasi oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa wuxuu shaaciyey in uu tacsi u dirayo eheladda askartaasi oo tiradooda lagu sheegay lix iyo dhaawac saddex. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sabtidii lasoo dhaafay ayey ahayd markii weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku ekeysay kolanyo ay la socdeen gaadiidka ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu weeraray Balcad. Afhayeen u hadlay ciidamadda wadankaasi ayaa shaaciyey in la la’yahay laba askari, kuwaasi oo aanan nolol iyo geeri meelna lagu sheegin. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah waxay ku beegsadaan ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa xooga dalka ee isaga kala gooshaya goboladda kala duwan ee dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites