Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiqani Saciid Carab “Kusoo Laabashada CAF Waa Astaan Muujinaysa Heerkeena Horomarka”

Recommended Posts

Deeq A.   

18 July 2019-guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa noqday guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAf,iyadoo siyaabo kala duwan guushan ay u soo dhaweeyeen bahda kubadda cagta Soomaaliya ee gudaha dalka iyo dibada.

0T8A6877.MOV.12_52_35_01.Still001-1024x5
Xiriirada kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAF ayaa iyagana jagadan ugu hambalyeeyay mudane Cabdiqani Saciid,iyagoo u raajeeyay in uu la yimaado wax qabad wanaagsan yoolkooda taa guddoomiye Cabdiqani ayaa Goobjoog u sheegaya in uu aad ugu faraxsanahay guushan.

IMG_1728E4-652EC3-896C43-FEB549-D835AF-D

“Guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano xiriirada caalamka” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab.

47078563_2124910114243417_72122502590182Bahda kubbadda cagta ayaa fariimo kala gedisan u diray gudoomiye Cabdiqani markii uu xaqiijiyay helitaanka booskan,iyagoo sheegay in arintan tahay wax weyn oo lagu farxo,balse guddoomiye Cabdiqani ayaa kaga mahad celinaya dhiiri-gelinta iyo garab istaaga loo muujiyay,isagoo intaa raacayay wax walbo oo horomar ay gaaraan madaxa Xiriirka kubbadda cagta ay gundhig u yihiin shacabka Soomaaliyeed meelbo ay joogaan.

2-1-1024x576.jpg
Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Arinkaa

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this