Deeq A. Posted July 30, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay kulan gaar ah Garowe kula qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ay uga wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Deni oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey guddomiyaga golaha shacabka iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay. Dhankiisa Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kula dardaaramay madaxda iyo shacabka Puntland in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar ballaaran. Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya xusak 21-aad sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaska Puntland oo ku beegan 1-da August. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites