Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Duqa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo hagaageyso, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uul ku sugan gudaha dalka Qatar.

Guddoomiyaha oo weli xaaladdiisa caafimaad ay la tacaalayaan dhaqaatiirta ayey mas’uuliyiintan sheegeen in haatan ay ka soo fiicnaaneyso sidii hore.

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cumar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaaladda Duqa Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u soo Duceeyaan.

“Waxaan ku suganahay isbitaalka lagu dabiibaayo guddomiye Yariisow xaaladdiisa caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa uu inooga baahan yahay in aan dDucada ku caawino.”ayuu yiri Yuusuf Cumar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo 11 kale oo dhaawacyo ah ayaa ku jira isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Duqa magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) loo qaaday Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii xooganaa ee Al-Shabaab ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this