Deeq A. Posted July 30, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn faah faahin ka bixiyey socdaal ay ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Baadiyow ayaa sheegay in kulamo wax ku ool ah ay la qaateen waxgradka deegaanada ay tageen, islamarkaana ay ka dhaadhiciyeen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb. Dhanka kale wuxuu beeniyey eedeymo la xariira in uusan dhex dhexaad aheyn guddiga uu hoggaamiyo, isaga oo gaashaanka u daruuray wararkaasi. Waxa uu meesha ka saaray in si gaar ah ay uga shaqeynayaan dana dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulka Galmudg. Shirka dib u heshiisinta Galmudug ayaa la filayaa in shanta bisha soo socota uu ka furmo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/wareesi-c-raxmaan-macalin-c-laahi-baadiyow.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites