Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ciyaar Jecel oo shaaciyey in dhibka Somalia uu ka yimaado GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya oo ka hadlayey safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu ku mashquulsan yahay xaaladda maamulka Galmudug oo uu tilmaamay inuu ku jiro xalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in dhibka Soomaaliya uu ka yimaado Galmudug, islamarkaana ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka la dagay maamulkaasi.

“Haddii Galmudug xal loo helo Soomaaliya xalbaa loo helay ayaa la yiraahdaa ayuu yiri.”Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu jiro fashil amni.

Ciyaar Jecel ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka in ay la yimaadaan isbedal dhab ah oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad geylada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiya gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Halkan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Ciyaar-jecel.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this