Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Iyo Madaxweyne Dani Oo Ku Kulmay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedda Puntland, Siciid C/llaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa waxay iska xog wareysteen xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo xubin ka ah Dowladda dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa ugu Mahad celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka , Mudane;  Maxamed Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa kula dardaaramay Shacabka Puntland iyo Madaxdooduba in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii ballaaran.

FB_IMG_1564454210719.jpg FB_IMG_1564454204093.jpg FB_IMG_1564454197864-1.jpg FB_IMG_1564454191689.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this