Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo awaamiir culus ku soo rogtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa saaka amaro culu ku soo rogay dadka ku dhaqan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Go’aanno ka kooban 10 qodob oo ka soo baxay hay’adaha amniga  ayaa lagu wargeliyey shacabka inay ilaaaliyaan nabad galayada, kana shaqeeyaan horurmarka deegaanka.

Halkan hoose ka Akhriso:

1- Muwaadinka iska iibinaya gaarigiisa, kuna sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu ku soo wargeliyaa Xafiisyada qaabilsan diiwaangelinta gaadiidka ee labada xafiis.

2- Qofka leh gaadiidka waa in uu gaarigiisa ku xiraa Taargada maamulka lamana ogolaan doono gaari aan laheyn Taargo oo ah aqoonsiga uu gaariga ku shaqeeyo.

3- Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadad guri ku yaalla Caasimada Dhuusamareeb rabana inuu ijaarto (kireeysto) waa inuu la soo xiriiro ama tago talisyada hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa guriga sida, shirkad, hay’ad,  INGO, mas’uuliyiin ama shaqsi oska caadi ah.

4- Cidii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyada ayaa mas’uul ka noqon doonto wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro.

5- Qofkii la qabto, isaga oo hub ku dhex wata magaalada Dhuusamareeb sida Qori, Bistoolad, ama Bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb.

6- Gaadiidka ay ku dhegan yihiin muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaan geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow.

7- Gaarigii ku dhex socda xawaare ama karaar kabadan 20 saacad socodka gaariga gudaha magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qeyb qaadanaya qalqal galinta amniga.

8: Qof walba waxaa laga codsanayaa inay si buuxda ula shaqeyso hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo badqabka muwaadinka naftiisa iyo maalkisa intaba.

9- Qofkii arka gaari, goob, ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si Loo baajiyo qatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusamareeb.

10- Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qeybaha ciidanka ee soo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin is-maandhaaf iyo isku ekeyn xiliyada howlgalladu socdaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this