Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka is dhexgalka dalalka Carabta iyo Aasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey Uqeybsanaha Ganacsiga anacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Maxamed Amiin Abuukar.

Mudane Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu dalku yahay mid soo koraya, islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira dalka.

  • 1-63.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-59.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-58.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-54.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-50.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-49.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-26.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka is dhexgalka dalalka Carabta iyo Aasiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this