Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Cali Wajiis oo beeniyay in uu Qatar ku eedeeyay taageeridda Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis), ayaa beeniyay warbixin lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa dalka Sucuudiga, taasi oo lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay waddanka Qatar in uu taageero ururrada Argagixisada.

Sheekh Cali Wajiis oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Alwaddan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysi uu siiyey, islamarkaana la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya aysan xamili karin in loo soo tallaabiyo khilaafka Carabta dhexdeeda yaalla, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si mugleh loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale dalkooda u dhisan lahaayeen.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mowqifka ay dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay ka taagantahay khilaafka dalalka Carbeed uu ku saleysanyahay, dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Cali Wajiis oo beeniyay in uu Qatar ku eedeeyay taageeridda Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this