Sign in to follow this  
Deeq A.

Shekeo xanuun leh: Hooyo dhamaan afarteeda caruur ku weysay gacanta Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ruqiyo Xasan Ibraahim, ma ahan magaca saxda ah ee Hooyada aan warbixintaan ka qoreyno, waxaana qarinay magaceeda runta ah, codkeeda iyo sawirkeeda sababo amnigeeda la xariira.

Waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho balse markeedii hore waxay ka timid gobalka Hiiraan ee Soomaaliya sida ay noo sheegtay kadib markii aan ku booqanay gurigeeda oo ku yaalo Xaafad katirsan Muqdisho.

Hooyo Ruqiyo Xasan, waxa uu Alle siiyay 4 Canug oo isugu jira 3 Wiil iyo hal gabar balse maanta midna ugama noola carruurtaas waxayna dhamaantood ku baxeen gacanta Al-Shabaab.

Wiilkeedii ugu horreeyay ee Curudka ahaa waxay ku waysay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen arday deeq waxbarasho u doonatay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2011. Weerarkaas waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Harkaha iyo Saamaha, 4-tii October ee 2011.

Marxuumka oo aan magaciisa qarinay ayaa ka tirsanaa Arday dhameestay waxbarashada dugsiga sare oo rajo ka qabay inuu guul gaarsiiyo qoyskiisa oo sabool ah, sidoo kalane agoon ah. Nasiib darro rajadii wiilka iyo hamigii hooyo halkaas ayey ku bur bureen.

Hooyo Ruqiyo murugada iyo Xanuunka halkaas ugama dhamaanin hadane waxay wiil kale oo yaraanka qoyska ahaa ay ku waysay Qaraxii Zoobe isagoo caawiye ka ahaa goob shaqo oo halkaasi ku taallo. Ma aysan arkin meydka wiilkeeda waxa uuna katirsanaa dad badan oo la waayay, balse waxay aamintay in uu dhintay.

Waxay aheyd waayo xanuun badan oo soo maray iyo laba garab oo muhiim ah oo ka baxay. Waxaa u bilaawday nolal mugdi ah oo aad u liidato balse rajada Alle kama aysan quusan waxayna Alle ka biraday guul iyo garab.

Hooyo Ruqiyo waxay sidoo kale weerar kale oo ka dhacay Saldhigga Waabiri ku waysay Gabadha kaliya ee qabtay waxa uuna qarax haleelay iyadoo saaran gaari Caasi ah oo halkaasi marayay. Dhaawac daran oo soo gaaray Gabadha ayey markii dambe u geeriyootay.

Wiilkeedii ugu dambeeyay oo Bajaajle ah ayey Hooyo Ruqiyo ku waysay weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Barta Kontaroolka ee Sayidka lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ma jirto murugo ka wayn iyo xanuun ka daran in 4-tii Canug ee Alle ku siiyay maalinba mid soo aasto islamarkaana aadnan garaneyn sababta lagaaga dilay. Sidoo kalane aadnan qabsan karin qofkii kaa dilay.

Al-Shabaab oo ah koox ka been sheegta Diinta Islaamka ayaa si ba’an u laysa dadka marasta ah oo aan dembi ah ka gelin mana jirto dhaq dhaqaaq guud oo dalka ka socda islamarkaana lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Hooyo Ruqiyo Xasan, oo ah qof samir badan kuna xiran Alle ayaa noo sheegtay in aysan dooneyn in ay ka soo muuqato Warbaahinta balse markii dambe ayey naga ogolaatay in aan Warbixinteeda qorno annag oo qarineyna magaceeda.

Hadda waa kaligeed, Afartii Carruur midba maalin ayey soo aastay halka hore-na uu ka dhintay Seygeeda kadib Xanuuno ku dhacay. Wixii markaas ka dambeeyay ma aysan guursan balse waxay dhabarka u xiratay in ay Carruurteeda korsato markii ay ku nasan laheydna Al-Shabaab ayaa gablan ka dhigay.

Waxay noo sheegtay Hooyo Ruqiyo, in maalmaha soo socda ay ku wajahan magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Dalka Malaysia waxayna ka sii aadi doonta Dalka UK sida ay noo sheegtay.

In dalka ay ka baxdo ma aysan jecleen balse waxaa ku cadaadiyay Xubno katirsan qoyskeeda oo ku nool dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha dalka sidaas darteedna ay go’aansatay in ay dalka ka dhoofto.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

FIIRO GAAR AH: Caasimadda Online waxay ka gaabsaneysaa baahinta iyo bixinta wax kasta oo ku saabsan xogta Haweeneyda dhibanaha u ah Al-Shabaab balse waxay dadka Soomaaliyeed la wadaageysaa raadadka xun ee ka dhashay Xasuuqa Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this