Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abu Cubaydah, Mahad Karatee, Jacfar Dheere iyo xubno kale oo kulmay iyo Shabaab oo qorshe wadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab ayaa isugu yimid kulan naadir ah oo dhacay jimcihii tagtay, sida uu sheegay weriye Haaruun Macruuf oo xog-ogaal u ah arrimmaha kooxdan.

Qoraal uu Haaruun Macruuf soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in kulanka oo uu ka qeyb-galay amiirka Al-Shabaab Abu Cubaydah uu ka dhacay tuulada Buulo Falaay ee gobolka Bay.

Kulanka ayaa waxaa Abu Cubaydah ku wehliyey oo sidoo kale ka qeyb galay Mahad Karate, Ibraahim Cali Aadan, Jacfar Dheere iyo saraakiil kale oo sare oo ka mid ah kooxda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo is-beddel ay kooxda Al-Shabaab dooneyso inay ku sameyso wilaayaatka ama maamul goboleedyada kooxda hoos yimaada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ahaa kulanka.

In dhammaan madaxda sare ee Al-Shabaab ay isugu yimaadaan goob qura kuna kulmaan ayaa ah wax aan inta badan dhicin, ayada oo ay ka baqaan in la beegsado oo mar qura la dilo dhammaan madaxda sare ee kooxda.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this