Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-sunna oo soo saartay go’aanno ka kooban 10 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa soo saaray awaamiir culus oo la xariirta amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanno oo ka kooban illaa 10 qodob, kuwaas oo wax looga qabanayo nabad galyada.

Qodobada ayaa waxaa ay u qornaayeen:

1_Muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan  Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis.

2_Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo.

3_Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga  Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya.

4_ Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa  Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada.

5_muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada.

6_Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka.

7_Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga.

8_ Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba.

9_Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto.

10_Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan.

Go’aannadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this