Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda afar Idaacad oo Muqdisho ku yaalla oo looga yeeray taliska NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa u yeeray madaxda Afar Idaacad oo ku yaalla magaalada Muqdisho maalintii shalay oo ay Taariikhda ku beegneed 28-kii July sanadka 2019.

Agaasimiyaasha Idaacadahaan ayaa tagay Xarunta Ciidamada Nabada Sugidda Soomaaliya ee Habar Qadiijo oo aheyd halkii laga wacay, waxaana la sheegay in markii dambe lagu wargeliyay in kulankaas baaqday balse ay diyaar noqdaan markii loo yeero.

Idaacadaha loo yeeray ayaa kala ah Radio Kulmiye, Radio Goobjoog, Radio Shabeelle iyo Idaacadda Qaranka ee Radio Muqdisho, oo u muuqato in la isaga soo daray islamarkaana uu ujeedka yahay Warbaahinta kale.

Warbaahinta madaxda banaan ee loo yeeray islamarkaana kala ah Radio Kulmiye, Goobjoog iyo Shabeelle ayaa ah kuwa loogu dhageysi badan yahay magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka baxayay warar ku saabsan weerarkii Xanuunka badnaa ee ka dhacay Xarunta Gobalka Banaadir.

Agaasimiyaashaan oo aan lahadalnay ayaa noo sheegay in aysan ogeyn sababta loogu yeeray balse dorraad galab lagu wargeliyay in ay yimaadaan Xarunta NISA islamarkaana ay la kulmiyaan madaxda hay’adda.

Inkastoo kulanka uu baaqday haddana loo sheegin xiliga xiga ay kulmayaan ayaa hadane waxay walaac ka qabaan ujeedka loogu yeeray iyo waxa laga rabo.

Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed muddooyinkii ugu dambeeyay kama mid aheyn Talisyada dadka iyo Warbaahinta Caburiya mana jirin tabashooyin ka soo baxay Warbaahinta iyo qaybaha kale ee Bulshada basle waxaa aad looga cawdaa Taliska qaybta Booliiska Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this