Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay shirka Dib u-eegista Mashruuca JPLG

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shir dib loogu eegayo Mashruuca horumarinta degmooyinla Puntland ee JPLG.
Shirkaan oo bishiiba mar la qabto waxaa doorkaan looga hadlay, guulihii la gaaray, caqabadihii lala kulmay iyo qorshaha sanadka soo socda ee JPLG, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, kuwa gobolada, Saraakiil ka socday hay’adaha barnaamijkan ka taageera dowladda iyo marti Sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cismaan Karaash oo furay shirka ayaa sheegay inuu xog-ogaal u yahay mashuurcaan horumarinta degmooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu waxtar ballaaran u leeyahay shacabka Puntland, isla markaana uu ka muuqday horumar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo.

Mudane Axmed Karaash ayaa xusay inuu jiro tartarn dhinaca degmooyinka ah, kaasoo salka ku haya horumarka iyo Kobaca ay samaynayaan magaalooyinku, isla markaana ay muhiim tahay in mashruucaan la baahiyo.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa u mahadceliyay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee gacanta ka gaysta ka shaqaynta hirgalinta mashuurcaan, waxaana uu ugu baaqay inay sii dar-dar galiyaan, si loo gaaro yoolka Horumarineed ee la hiigasanayo.

  • FB_IMG_1564405192888.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405245867.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405223746.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405272021.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405218909.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405236558.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405188579.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405179553.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405183800.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405173792.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405210306.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405201375.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405254583.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405277254.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405231146.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405161419.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405205427.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405197206.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405168239.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405250454.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405214643.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405241714.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405268502.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1564405263291.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay shirka Dib u-eegista Mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this