Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii amniyaatka Al-Shabaab ee MUQDISHO oo xukun culus lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday madaxii amniyaatka ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gudaha magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa shaacisay in Ayuub Nuur Nuux oo 23 sano jir ah uu qirtay dambigaasi, islamarkaani lagu xukumay dil toogasho ah.

Puntland ayaa sidoo kale intaasi raacisay in ninkan oo dhowaan ka soo laabtay dalka Sacuudiga uu dib ugu laabtay Al-Shabaab.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku riday illaa saddex kale oo ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, halka mid kalena ay sheegtay in lagu waayey wax dambi ah, kaas oo ay maxkamaddu fasaxday.

Gaashaanle Cawil Axmed Faarax oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa shaaciyey in raggaasi ay heystaan fursad kale oo ku dalban karaan Racfaan muddo bil ah.

Maamulka Puntland ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday xubno ay ku eedeeyeen Argagixisanimo, kuwaas oo ay ku qabteen howlgallo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this