Deeq A. Posted July 29, 2019 (SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa maanta isku diyaarineysa tacsida boqor Salmaan walaakiis ka weynaa, kaasi oo geriyooday isaga oo 96 jir ah. “Amiir Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud waa uu geeriyooday” waxaa sidaa lagu yiri bayaan ay soo saartay maxkamadda boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. “Waxaa tacsi loogu qaban doonaa, salaadda janaasadana lagula dukan doonaa masjidka weyn ee Xaramka ee Makkah.” Amiir Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa ahaa wiilka ugu weyn ee weli la noolaa ilmihii uu ka tagay boqorkii aas-aasay Sacuudi Carabiya ee Cabdulcaziiz. Maxkamadda boqortooyada Sacuudiga ma aysan sheegin sababta geerida amiri Bandar, hase yeeshee qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa weriyey inuu dhowr sano xanuunsanaa. Amiri Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa lagu yaqiin inuu ahaa nin aan shaqo ku lahayn siyaasadda boqortooyada. Inkasta oo qoyska boqortooyada ay xubno ka yihiin kumanaan qof, haddana kaliya inyar oo ka mid ah ayaa saameyn ku leh siyaasadda. Source Share this post Link to post Share on other sites