Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Burundi oo xaqiijisay in lix askari looga dilay duleedka Muqdisho, labana la la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bujumbura (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Amisom, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal sare

“Unugyo ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa weeraray ciidaamda Burundi ee ku sugan degmada Balcad, oo 30 km u jirta Muqdisho” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Burundi, Colonel Floribert Biyereke.

“Lix askari ayaa isla goobta lagu dilay. Saddex waxaa gaaray dhaawacyo halis ah, laba askarina waa la la’yahay.” Ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sabtidii sheegatay in dagaal-yahannadeeda ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo Burundi ah oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayey degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah, oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo baaldoozarro, halka sidoo kalena ay si dirqi ah ku baxsadeen gaadiid kale oo dhowr ah.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegatay in weerarka ay ku dishay 10 askari.

Burundi ah ayaa ah dalka labaad ee ugu ciidamada badan Amisom, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,432 askari, halka Uganda oo ugu badan ay ka joogaan in ka badan 6,000 oo askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this