Deeq A. Posted July 29, 2019 Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka lagu soo bandhigay qaraxyo ay xaafado ka tirsan Boosaaso ka soo qabteen ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Ciidanka PSF ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda lagu magacaabo Buuraha ee magaalada Boosaaso waxay ku soo qabteen qaraxyadan oo kooxihii diyaariyay ay doonayeen in ay amniga magaalada ku dhibaateeyan. Ciidamada Amniga Puntland ee ku sugan gobolka Bari ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgallo lagu adkaynayo nabadgelyada ka waday gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xilli loo diyaar-garowbayo xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto oo maalmo kooban ka dhiman yihiin. Sidoo kale guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxa ka socda hawlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada maadaama ay Puntland xusayso sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskeedii oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Madaxweynaha Puntland oo shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga iyo Difaaca ayaa ku amray in si gaar ah in la xoojiyo amniga guud ee Puntland maalmaha lagu jiro Todobaadka dabaaldegyada 1-da August oo dhammaan ka dhacaya gobollada kala duwan ee Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo qaraxyo fashiliyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites