Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukun adag ku riday ninkii ka dambeeyey dilkii Farmosa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)   Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland saaka ayaa xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Badda maamulkaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilkii bishii February ee sanadkan magaalada Boosaaso loogu geystay maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Askarigan oo lagu magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi ayaa la sheegay inuu fududeeyey dilkaasi.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland oo saaka go’aan ka gaartay kiiskan ayaa askarigaasi ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu shaacisay in eedeysanaha uu weli heysto racfaan uu ku qaadan karo muddo bil ah.

Xukunka askarigan ayaa lagu soo aadiyey, iyadoo ay dhawaan Puntland shaacisay inay ku dhawaaqeyso baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda ula shaqeyneysa geedi u socod kasta oo baaritaan lagu sameynayo, waxayna dhowaan baahineysaa fahfaahinta baaritaanka gaarka ah ee dilka maamulihii P&O.” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay Puntland.

Arrintan ayaa soo ifbaxday, kadib markii uu dhawaan wargeyska New York Times shaaciyey in Qatar ay ku lug laheyd qarax iyo dil ka dhacay bishii May ee sanadkan gudaha  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo sida Roobow la xirayo iyo qorshaha Macalin Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this