Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sacuudiga Oo Dib U Dhigtay Xukunka Sheekh Caan Ah Oo U Xidhan Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah.

1564325553f9dad.jpg

Wiilka uu dhalay wadaadkaan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabbihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sannadkaan.

Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa shalay oo loo balansanaa in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan Bilood Ah.

Wuxuu yidhi aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid Xukunkiisa.

Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkaan oo la xiray bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba Sano.

Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharci dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan Dowlada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this