Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- California)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka.

f1bb8d6a-d2f4-48bb-8c5e-4f4c391e69dc.jpg

Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta.

Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan.

Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka.

Munaasabaddan lagu soo bandhigo cuntooyinka ee lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ayaa sannad kasta lagu qabtaa halkaas, waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii, waxaana xilliyada laga qabanayo munaasabadda goobta mamnuuc ka ah hubka, sida laga soo xigtay bogga maamulka soo qabanqaabiyo munaasabadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this