Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa malayshiyaadka Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo sabtidii 27-Julay ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsana Daacish oo kaalin muhiima ka ciyaaray fududaynta hawlaha Kooxda.

Waxaa kale oo qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqenta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka duqeyntaasi laga fuliyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this