Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Askari ku eedaysan in uu fududeeyay dilkii Paul oo toogasho lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Dable Cabdi cali xirsi waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Askari ku eedaysan in uu fududeeyay dilkii Paul oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this