Deeq A. Posted July 29, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) -Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey tirada ergada is diiwaangelisay ee u hoggaansamay amarkii dhawaan ka soo baxay kooxdaasi. Warkan ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku sheegteen in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la hadleen Odayaasha kale ee aan weli isa soo diiwaangelin. Sidoo kale waxay warbixintooda ku sheegeen in ergadani ay iska soo diiwaangeliyeen maamullada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, kuwa Puntlandna taleefan loogu qabtay Towxiidka, sida ay hadalka u dhigeen. Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska iyo sida ay maamul goboleedyada uga kala tageen xubnahaasi Jubaland: 33 Oday dhaqameed. Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed. Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed. Galmudug 33 Oday dhaqameed. 15-kii bishan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ku socday ergada, kuwaas oo ay u qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites